MAALINTA XURRIYADA SOOMAALIYEED

  • Home
  • MAALINTA XURRIYADA SOOMAALIYEED
images
MAALINTA XURRIYADA SOOMAALIYEED

Maalinta Caalamiga ah ee Hepatitis waxaa sanad walba la xusaa 28-da Luulyo si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan cudurrada hepatitis iyo in la dhiirigeliyo tallaabooyinka looga hortago looguna daweeyo. Maalintan waxaa soo qabanqaabiya Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo ururada kale ee caafimaadka ee adduunka oo dhan. Hepatitis waa cudur ku dhaca beerka oo ay sababi karaan fayrasyada kala duwan ee hepatitis.

Ku: Shacabka Soomaaliyeed,

26-ka Juun waa maalin aynu ku xasuusano halgamadii iyo dhibkii ay soo mareen awoowayaasheen, si ay nooga tagaan dhaxal xorriyadeed oo qiimo leh. Waa maalin aan ku muujineyno midnimada, wadaniyadda, iyo jacaylka aan u qabno dalkeena hooyo. Waa xus iyo xusuus gaar ah oo muujineysa inaan nahay ummad isku duuban oo leh taariikh iyo sharaf weyn. Hambalyo hambalyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda. Waa maalin farxadeed iyo damaashaad oo aan ku weyneyno xornimada iyo madaxbannaanida dalkeena. Waxaan Alle ka baryayaa inuu nagu simo sanado badan oo xornimo iyo barwaaqo leh, annaga oo ku wada nool nabad, midnimo, iyo horumar. Aynu noqono kuwo isku duuban, oo iskaashadaan si aan u dhisno dalkeenna una horumarino mustaqbalka jiilasha soo socda. Ha illaawin inaad maalintan weyn u dabaaldegto si nabad ah oo ixtiraam leh. Soomaaliya ha noolaato! Xornimo, midnimo, iyo horumar ayaan ku hammineynaa, kuna dadaaleynaa inaan gaadhno. Hambalyo Hambalyo Maalinta Xoriyadda 26-ka Juun!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

© Sombridge university 2024 Designed by blimzee.com